Sunday, 10 June 2012

Tarsan oo ku baaqay in laga wada qeybqaato soo celinta bilicdii caasimadda Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku boorriyey shacabka iney u istaagaan soo celinta bilicda caasimadda, taasoo maamulka uu sheegay iney ku bixin doonaan dhaqaale fara badan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo xalay ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay degmada Howlwadaag ee gobola Banaadir ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu kaga hadlay siyaasadda, arimaha bulshada iyo sidii loo soo celin lahaa bilicdii Muqdisho.
Tarsan ayaa ku boorriyay shacabka gobolka in ay wax soo saaraan intii ay u hanqaltaagi lahaayeen wax dibadda laga keeno, isagoo carrabka ku adkeeyay in qofkii keena xaaqinka nadaafadda ee laga sameeyay Geedka loo yaqaanno “geed Yuhuudka” in maamulka gobolku uu kaga iibsandoono qiimo uu ku qanco.
Mudane Tarsan ayaa ku tilmaamay wax aan habbooneyn erey bixinta loo Adeegsaday ka bixidda KMG ah, ”kalmadda kala guurka ayaan jeclaan lahaa in lagu bedelo isu guur, Soomaaliya kalama guureyso ee wey isu guureeysaa, ee haddii aad maqasho kala guur ha u qaadan in ay tahay dowladi ma jirtee waxaad doonto samee ama dhac hantida dowladda iyo tan shacabka”ayuu yiri mudane Tarsan.
Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka gobolka ay ka go’antahay soo celinta bilicda Muqdisho,  wuxuuuna tilmaamay in ay socoto howshaasi,  isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in bilicda Muqdisho ay goordhow ku soo laabandoonto sideedii hore iyo ka wanaagsan.
Munaasabad xalay ka dhacday degmada Howlwadaag ayuu guddoomiye Tarsan hadalkan ka jeediyay,  taas oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu magacdaray ishdexgalka bulshada oo uu ku baaqay madaxweyne Sheekh Shariif Madaxweynaha Jamhuuriyadda

garable.com
muxudin diini fiidow.

No comments:

Post a Comment