Markabkan oo lagu magacaabo MT Liquid Velvet wuxuu Burcad-badeeda u gacan galay 31-October sanadkii hore ee 2011.
Waxaana saaran badmaaxiin ay tiradoodu 21-qof tahay kuwaas oo dhamaantood u dhashay dalka Philippine.
Caafimaadka shaqaalaha ayaa la sheegay inuu aad u wanaagsan yahay islamarkaana xiligan MT Liquid Velvet uu usoo jiheystey dhinaca dalka Cumaan.
Inkasta oo aan la ogeyn tiradeeda waxaa hadana jira warar hordhac ah oo sheegaya in markabkaas lacag badan madax furasho ahaan looga qaatay.
Weerarada Burcad-badeeda ayaa bilihii u danbeeyey si aad ah hoos ugu dhacay iyadoo hadana ay dhowr markab oo nooca xamuulka qaada u badan qabsadeen.
MT Liquid Velvet oo ah markab uu ka dul babanayo calnka dalka Greek wuxuu noqonayaa markabkii 4-aad ee ay muddo 3-bilood gudahood ah Burcad-badeedu sii dayaan
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment