Friday, 8 June 2012

XOG: Amisom, Dawlada Soomaaliya iyo Kenya oo La Gaarsiiyey Digniino Aad U Culus

latestnewsShabakada wabarimedia.com ayaa ogaatay in fariimo sir ah oo ka yimid dawlada Mareykanka la gaarsiiyey saraakiisha amniga ee dawladaha Soomaaliy iyo Kenya iyo taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Fariimahan waxaa la soo marsiiyey safaarada Mareykanka ee Kenya ayaa ka digaya in ay dhici karaan weeraro qaraxyo ah oo ka dhan ah goobo ku yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi iyo goobaha xarumaha u ah AMISOM.

Fariimaha digniinta ayaa lagu sheegay inay haboontahay in hay’adaha amaanka ee Kenya iyo Soomaaliya ay taxadar dheeri ah muujiyaan maalmaha soo socda iyadoo si gaar ahna loo xusay amaankagoobaha muhimka ah ee labada dal sida garoomada diyaaradaha iyo suuqyada.
Digniinta ayaa timid kadib markii hawgalo khasaare geystay ciidamada DKMG ah oo gacan militari ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan ku goodiyey inay beegsan doonaan xarumaha dawlada iyo kuwa AMISOM iyagoo sidoo kalana digniin u diray dawlada Kenya oo qeyb ka qaadaneysa dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab.

Illaa hadda fariimaha digniinta ah ee la gaarsiiyey hay’adaha amaanka ee DKMG Soomaaliya, Kenya iyo AMISOM ayaa ku wargelin iyo taxadar qaadasho, waxaana saacadihii la soo dhaafay digtooni badan laga dareemayay goobaha dawlada iyo AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Digniinta noocan oo kale ayaa had iyo jeer ka soo baxa safaaradaha iyo hay’adaha sirta ee dawlada reer galbeedka kuwaasoo sheega inay aadula socdaand haqdhaqaaqyada kooxaha maleeshiyaadka ee ay ka midka tahay Al-Shabaab.
Laakiin ma cadda in sida digniinta loo bixiyay ay wax u dhici karaan

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment