Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa beeniyay jiritaanka in qaraxa lagu dhex riday mid ka mid ah Jawaannada haweenkii qudaarta ku iibinayay Suuqaasi.
Wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Baydhabo uu wanaagsanyahay qaraxyadana ay ka dhacaan meel Baydhabo ka ammaan wanaagsan, isagoo xusay in howlgallo Ciidamada Dowladda ay sameeyaan habeen iyo maalin.
Suuq Qudaarta lagu iibiyo ee ku yaala Baydhabo ayaa waxaa shalay ka dhacay qarax geystay khaasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qaraxaasi ay ku dhinteen labo haween ah mid kale uu dhaawac ka soo gaaray kuwaas oo dhammaantood ahaa ganacsatadii Suuqaasi.
Tan iyo markii Magaalada Baydhabo ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa magaaladaasi ka dhacayey dilal qorsheysan iyo qaraxyo
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment