Saturday, 23 June 2012

Daawo Sawirada:Gudoomiye Tarsan “Waxaan Berlin u imid inaan iibiyo Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa casuumaad uu ka helay Duqa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ku yimid maalinnimadii Arbacadii, halkaasi oo uu kulamo kala duwan uu kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Jarmalka.
Casuumaadaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hey’adda FESGermany oo ah Hey’ad caawisa Dunida 3-aad, wuxuuna Duqa Muqdisho mudadii uu joogay kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiil ka socotay Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Xildhibaano ka tirsan Xisbiga SPD iyo Jaaliyaddaha dibada ee dalalka Germany, Holland iyo Norwey.
Guddoomiye Tarsan ayaa sheegay in sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay ka danbeysay casuumaad uu ka helay Duqa magaalada Berlin si buu yiri loo mataaneeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Berlin, isagoo intaa raaciyay in xubnihii uu la hadlay ay ka wada hadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa magaalada Muqdisho iyo soo celinta adeegyadii asaasiga u ahaa Nolosha.
“Waxaan halkan u imid inaan iibiyo Muqdisho, macnaha iibintana ha u fahmina iney tahay mid kale ee waa inaan caalamka ku soo jeediyo horumarka iyo dadaalada nabadeed ee ka jira Gobolka, waxaana naga go’an inaan caasimad walba oo caalamka ka tirsan xiriiro la sameyno” ayuu yiri Tarsan.
Tarsan wuxuu sheegay in uu ka rajeynayo in dib loo howlgeliyo goobihii Dowladda Germany ay gacanta ku heysay sida xaruntii Tababarka farsamada, adeegii biyaha ee GTZ, Tababaro shaqo oo dhalinyarada loo sameynayo iyo in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay helaan tababar.
Dr. Goloszinski oo ah Guddoomiyaha FESGermany oo ugu mahad celiyay Duqa Muqdisho booqashada uu ku yimid Berlin ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay y taageeri lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo booqashadani ku tilmaamay mid wax badan ka qaban doonto xiriirka labada dhinac.
Asli Axmed Maxamed oo iyadana ururkani u qaabilsan Soomaalida ayaa sheegtay Ururkooda uu u istaagay sidii Dowladda Jermany ugu dhaadhicin lahaayeen isbadalka iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Muqdisho, taasoo ka danbeysay in ka shaqeeyaan casuumaad uu Guddoomiyaha Gobolka uu ku yimaado Berlin.
Asli waxay sheegtay in waxyaabihii laga wada hadlay dhamaan ay noqon doonaan kuwo wax ku ool ah oo horumarka dalka ay qeyb ka qaadan doonto, iyadoo rajeysay in wax badan ay kusoo kordhin doonto booqashada Guddoomiyaha Gobolka uu ku yimid Berlin xiriirla labada magaalo.
Dhinaca kale mudadii uu ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho Tarsan wuxuu kulamo uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Germany, Norwey iyo Holland, halkaasi oo la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii jaaliyadaha ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Xubnihii kasoo qeybgalay kulamo looga doodayay xaaladda Muqdisho iyo sida ay ugu qeyb qaadan karaan jaaliyaddaha dibada dadaalada nabadeed iyo dib u dhis Muqdisho ayaa waxay soo jeediyeen in si dhab ah looga shaqeeyo marka hore amaanka, waxayna ku amaaneen Duqa Muqdisho dadaalada horumarineed ee uu ka wado Gobolka Banaadir.
Md. Tarsan ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ugu sii gudbi doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
garable.com muxudin diini fiidow









No comments:

Post a Comment