Saturday, 19 May 2012

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Lagu Furayo Waddooyinka Ka Wada Suuqa Bakaaraha


Ciidamada qalabka sida ayaa maanta howlgallo lagu burburinayay Sanadaqadaha sharci darrada ah ka sameeyay qaar ka mid ah Waddooyinka soo gala Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Howlgalkan lagu furayo waddooyinka suuqa Bakaaraha laguna burburinayay dhismayaasha sharcidarrada ah ayaa waxaa iska kaashanayay ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo ciidamada CDS, si loo yareeyo ciriiriga suuqaasi loona sugo amaanka suqa.
Sidoo kale ciidamada ayaa hore u furay waddooyin muhiin ah oo ku yaala gudaha Suuqaasi, iyadoo laga burburiyay dhismayaasha sharcidarrada ah ee sababta u noqday ciriiriga badan ee ka jira suuqaasi.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalkan tan iyo inta laga banneeynayo waddooyinka kala duwan ee soo gala suuqaasi, taas oo ay soo dhaweeyeen ganacsatada meheradaha ku leh suuqaasi.

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment