Thursday, 7 June 2012

MAREYKANKA OO MALAAYIIN DOOLAR DUL DHIGAY SARAAKIIL KA TIRSAN AL-SHABAAB



Warbixin lagu qoray wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay abaalmarin u siindoonto 7-million oo dollarka Mareykanka ciddii soo sheegta toddobo sarkaal oo ka tirsan Ururka AL-Shabab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa warkan maanta khamiis soo galiyay barta Internetka, waa markii ugu horeysay la dul dhigo abaalmarin xubnaha Sare AL-Shabaab-ka Soomaaliya siddaas waxa sheegay Robert Hartung, oo ah kaaliyaha guud ee waaxda arrimaha dibadda xafiiskeeda ammaanka.

"Markasta waxa aan ku soo dareynaa liiska abaalmarinta cadaaladda maxaa yeelay waxaa Al-Shabaab ay ka mid tahay kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida," Hartung ayaa sheegay.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2008 waxa ay magaca Al-Shabaab ku dartay liiska waxa loogu yeero argagixisada, waxaana xayiraad la saaray lacagahooda iyo cunaqabateyn lagu soo rogay goobaha ay maamulaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xubnaha la duldhigay lacagtan ee la shaaciyay khamiista maanta waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi aw-Maxamed oo ah aasaasaha Al-Shabaab, waxaa la sheegay in la duldhigay ciddii macluumaad ka keenta in abaal marin ahaan loo siin doono 7 million-dollar-ka Mareykanka.

Sidoo kale in ka badan 5 million oo dollarka Mareykanka ayaa la dul dhigay Ibraahim Xaaji Jaamac, oo ah aasaase AL-shabaab, iyo madaxa maaliyada Fu'aaad Maxamed Khalaf, sidoo kale waxaa ku jira talliyaha military-ga Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Mukhtaar Roboow, oo horey u soo qabtay afhayeenka Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda Mareykankanka waxa ay sheegtay in ay ku bixin doonto lacago ka daban $3 million ciddi macluumaad ka keenta madaxa sirdoonka Zakariya Ismaacil Axmed xirsi iyo Cabdullaahi Yare, oo ah xubin sare oo ka tirsan AL-Shabaab sidaas waxa sheegay Hartung.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in barnaamijyada abaalmarinta lagu bixinaayo oo bilowday tan iyo sanadkii 1984-tii lagu bixiyay in ka badan 100-milyan oo doollar, taas oo lagu bixiyay in ka badan 70-macluumaad ah

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment