Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horrjeedaan hadal uu shalay Madaxweynaha Odayaasha u jeediyey oo ahaa in talada dalka ay gacantooa ku jito, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax tallo ah oo gacantooda ku jirto, wuxuuna Odaygaasi uu intaasi ku daray in afka un laga sheego in talada Soomaaliya ay hadda gacanta ugu jirto Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, balse aysn arrinkaasi waxba ka jirin.
“Madaxda dowladda KMG oo uu ugu horeeyo Madaxweyanaha dowladda KMG markasgta waxay nagu yiraahdaan talada dalka gacantiina ayey ku jirtaa ee soo xula Xildhibaano waxtar leh, runtii arrinkaasi waa waxba kama jiraan, ma jirto talo gacanteena ku jirto, afka un ayaa laga sheegaa haddana howsha waxaa maamusha dad kale oo aanan garaneynin halka ay wax u wadaan, waxaa loo bahanyahay in la cadeeyo waxa ay yihiin Odayaasha marka ugu horeysa iyo howshooda waxa ay tahay ee ma aha in lagu soo gambado, haddana howshii dad kale ay iska maamushaan, iyagiina magaca loo bixiyey” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo shalay su’aalo dhowr ah weydiiyey Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed intii uu booqashada kula joogay Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.
“Masiirka ummadda Soomaaliyeed dad kale ayey gacanta ugu jirtaa, way fiicnaan laheyn haddii loo deynayo Odayaasha dhaqanka markaasi ayaa la dhihi karaa aayihii Soomaaliya ayaad gacanta ku heysaan, laakiin hadda arrinku ma aha sida ay madaxda dowladda KMG wax u sheegayaan, waxaanna na heysata maahmaahdii aheyd magacna ii bax waxa iima soo kordhin, odayaasha magaca oo keliya ayaa loo bixiyey oo waxaa lala leeyahay masiirka Soomaaliya iyaga ayuu agyalaa haddana arrinka dad kale ayaa maamula, madaxda dowladda KMG ayaana hormuud u ah oo ay Odayaashu rabitaankoodu ku joogaan” ayuu yiri nadoonkaasi oo diiday in magaciisa la xuso
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment