Xilliga uu shilka galayey Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxa uu ku sii jeeday shir ay lahaayeen Safiirada Dalalka Afrika ee fadhiya Brussels.
Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sidoo kale ahaa Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa shilkan gaari ee uu ku dhaawacmay waxa uu yimid kaddib markii gaariga uu saarnaa iyo gaari kale ay isku dheceen, iyadoo sababta arrintaas keentayna aanan faah faahin dheeri ah laga bixin.
Wararka aynu ka helayno safaaradda Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray Danjire Nuur cadde uu yahay dhaawac fudud islamarkaana uu safiirka ka jabay Kalxanta haddana uusana qabin dhaawac halis ah.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka ku yaala Magaalada Brussels ee Caasimadda Dalka Belgium-ka.
Daawo Sawirro
No comments:
Post a Comment