Tuesday, 15 May 2012

Sarkaal Al Shabaab ah oo lagu qabtay gobolada Jubooyinka

Saraakiisha ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al Shabaab.
Waraka lagahelayo degmada Dhoobleey ee gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan In laguqabtay sargaal sare oo  ka tirsan Xarada Al Shabaab kaasi oo laga qabtay sida la sheegay gudaha degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay gacanta kudhigeen  sargaalkaani tilmaameen in uu katirsanaa Al Shabaab.
Waxa ay intaasi ku dareen sarakiisha dowladda in ninkan uu u qaabilsanaa qeybta wacyigalinta waxaaana ay magaciisa ku sheegeen Abshir C/llahi iyagoo xusay in wixii faa faahin ah oo ninkan ku saabsan ay dib ka bixin doonan.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Shabaab oo ku aadan sheegashada  saraakiisha Dowladda KMG Soomaaliya ee sheegaya in ay gacanta ku dhigeen sargaal sare ee ka tirsan Al Shabaab.
Ma’ahan markii ugu horeeysay oo ay saraakiisha gobolad Jubooyinka sheegaan in ay qabteen sarkaal ka tirsan xarakada Al Shabaab oo deegaanadaasi ku sugan.


garable.com

No comments:

Post a Comment