War saxaafadeed ka soo baxay golaha ururka midawga Yurub u qaabilsan arrimaha dibbadda laguna qoray wakaaladda wararka KUNA ee dalka Kuwait, ayaa waxaa lagu sheegay in Midawga Yurub uusan u dulqaadanayn in dawlada KMG ee Soomaaliya ay waqti kororsato. Midawga Yurub waxa uu ugu baaqay madaxda dawlada Soomaaliya inay qaadaan tilaabo kastan oo sahli karta inuu isbadal dhaco marka la gaaro 20 bisha August ee sanadkaan. “Midawga Yurub wuxuu diidan yahay in la kordhiyo waqtiga dawlada KMG ee Soomaaliya waxayna qeyb ka tahay go’aanadii shirkii London ka dhacay bishii February waana in la sameeyaa dadaal kasta oo looga baxayo xilliga KMG ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay golaha arrimaha dibbadda u qaabilsan midawga Yurub. Sidoo kale Midawga Yurub waxa uu taageero u miijiyaya shirarka ka kala dhacaya Turkiga iyo Talyaaniga bilaha June iyo Jully ee sanadkaan. Marka la gaaro bisha August ee sanadkaan waxaa la filayaa in dalka ay dhacaan doorashooyin lagusoo dooranamayo madaxda dawlada cusub ee dalku yeelanayso iyadoona lagabaxayo xilliga KMG, walloo illaa iyo hada aysan muuqan in xilliga yar ee harsan suura gal ku noqon karto arrinkaasi iyo in kale.
garable.com
garable.com
No comments:
Post a Comment