Wednesday, 16 May 2012

Xukuumadda Somaliland oo ku dhex Asqawday Ajandayaasha Beesha Caalamku Somaliya Dawladda ugu dhisayaan iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Safarkii Ingiriiska ka baaqsanaya

Midawga Yurub oo diidan in Sh Shariif mudada loo kordhiyo iyo Maraykanka oo ku mashquulsan Khilaafka ka aloosan Shirka Madax dhaqameedka Muqdisho oo xaalada Siyaasadeed wax ka bedelay Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu ka baaqsado qorshe la filayay inuu ugu Duulo dalka Ingiriiska si uu uga qayb galo wadahadalo Beesha Caalamku maaganayd inay isaga iyo Sh Shariif u qabato si ay uga wadahadlaan Mustaqbalka Somaliya. Baaqashada Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti Wasiiro ah oo raaci lahaa ayaa waxa sababay khilaaf Midawga Yurub iyo Maraykanka ka dhex taagan, taasi oo ah in ay isku maandhaafsan yihiin qaabkii looga bixi lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan Dastuurka qabyo qoraalka ah oo si weyn looga soo horjeestay. Sidoo kale wakhtiga Cidhiidhiga ah ee u hadhsan Dawladda Ku-meel gaadhka oo iyana noqotay caqabad kale oo aan laga gaashaaman Karin sidii loo qabyo tiri lahaa ayaa keentay in Beesha Caalamka gaar ahaana Midawga Yurub iyo Maraykanku isku qabteen habkii looga bixi lahaa. Maraykanka ayaa Aaminsan inaan wakhtiga hadhay waxba lagu qaban Karin oo aan lagu bedeli Karin Nidaamka ka dhisan Somaliya ee Sh Shariif Hormoodka u yahay, waxaanay wadaan Shirk a dhacay magaaladda New York, kaasoo la filayo in dib loogu Eegayo Muddo Kordhin loo sameeyo Xukuumadda Ku-meel gaadhka ah. Hase yeeshee taas wax aka soo horjeeda Midawga Yurub, iyagoo Shir Golaha Arrimaha Dibeda uga socda Midawga Yurub uga socda Brusels  laga soo saaray  go’aan ku lidi ah qorshaha Maraykanka kaasi oo sheegaya inaan wax muddo kordhin ah loo samayn Karin Xukuumadda Sh Shariif. Qorshayaashan iska hor imanaya ee Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa Wiiqaya Qorshihii iyo Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Ingiriiska, waxaanay talaabooyinkani caqabad ku noqonayaan in ay suurtogalaan wadahadalo Somaliya iyo Somaliland Madaxweynayaashooda ku dhex mari lahaa Ingiriiska Toddobaadka Danbe. Madaxweyne Siilaanyo ayaa Madaxweyne ku-xigeenkiisa ka baajiyay Xaflad lagu martiqaaday oo ka dhici lahayd Sweden taasi oo ay Jaaliyadda Somaliland ugu dabaal degaysay Maalinta Qaranida ee 18-ka May, hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo laftiisa ayay warar aanu ka helnay Ilo Xogogaal ahi sheegayaan inuu ku jiro xaalad labac labac ah oo la filayo inuu kaga baaqdo safarkii uu Ingiriiska ku tagi lahaa. Ilaa hada ma cada in Madaxweyne Siilaanyo sii wadanayo safarkaasi iyo inuu ka baaqanayo, maadaama aan wali go’aan cad laga haynin Beesha Caalamka hase yeeshee waxay u muuqataa Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Dibedu mid ku dhex Asqaysan Ajandayaasha Beesha Caalamku ku maamulayso aayaha danbe ee Somaliya oo ah mid mugdi ku jirta.



garable.com

No comments:

Post a Comment