Wednesday, 16 May 2012

Maxkamad Ciidanka Qaranka S/land Oo Dil Ku Xukuntay Dableydii Lagu Soo Qabtay Iska Hor Imaadka Shalay

Maxkamadda Ciidammadda Qaranka Somaliland, ayaa maanta fadhi ay yeelatay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka waxay xukuno dil iyo xabsi daa’in iskugu jira dil iyo xabsi daa’in.
Maxkamaddu waxa la sheegay inay sadex qof oo ka mid ahaa dadkii shalay lagu soo qabtay weerarkii xeradda Soodaanta xoriyadoodii loo soo celiyay, halka 5 xubnood lagu xukumay xabsi daa’in isla markaana 17 kalena lagu xukumay xukun dil ah.
Ma jiro illaa imika wax tafaasiil ah oo ay Maxkamaddu ka soo saartay xukunkeedan iyo qodobadda ay u cuskatayba, hase yeeshee waxa in xukunkani dhacay u xaqiijiyay shabakadda wararka ee Somaliland.Org qaar ka mid ah eheladda dadkan la xukumay oo la sheegay inay maxkamaddu ku sababaysay inay galeen jariimad qaran isla markaana ay weerareen khasaarena u geysteen ciidanka qaranka.
Taliyeyaasha ciidammadda Booliska iyo Qaranka ayaa shalay soo bandhigay hub ay ku soo qabteen kooxdan la xukumay oo ay sheegeen in sagaal ka mid la soo qabtay iyagoo dhaawac ah.


garable.com

No comments:

Post a Comment