Wednesday, 16 May 2012

Askari katirsan Ciidamada Dowlada KMG oo goordhow lagu toogtay Bakaaraha

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa sheegaa in askari katirsan ciidamada Dowlada KMG goordhow lagu toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Kooxo Hubaysan ayaa weerar ku qaaday askarigan oo kusuganaa gudaha Bakaaraha iyadoo intii ay toogteen goobta ka baxsaday.

Dilka askariga ayaa waxaa ka dhashay in gud ahaan uu xirmo Suuqa gaar ahaan qeybta uu dilku uu ka dhacay.

Ciidamo aad ubadan oo katirsan dowlada KMG ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay iyagoo wadooyinka dhan xiray.

Waxaa ay wadaan Howlgalo xoogan oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka gaystay, waxaana jira warar sheegaya in askar katirsan ciidamada dowlada ay ka danbeeyeen dilka.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah halka ugu wanaagsan dhanka amaanka Magaaladda Muqdisho iyadoona si weyn loo ilaaliyo.



garable.com

No comments:

Post a Comment