Wednesday, 16 May 2012

Qaramada Midoobey oo digniin u Jeedisay Madaxda Soomaalida

-Dawladaha ugu quwada weyn Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa digniin adag u jeedisay madaxada DFKMG ah oo u muuqda in xiligu ka dhacayo iyaga oon meel marin qodobadii Road Mapka. Madaxda dalalka Mareykanka,Britain iyo Jarmalka ayaa kulan uu maanta yeeshay Gollaha amaanka oo Sheekh Shariif ka qeybgalay ayaa loogu sheegay in taageerada caalamku ku xidhan tahay meel marinta qodobada loo igmaday. Qoraal kulankaa laga soo saarayna waxa lagu sheegay in marxalada Soomaaliya ay hada mareyso meel xasaasi ah. Isla markaana waxa madaxada Soomaalida lagu booriyay in ay mudada u hadhsan ay ku gunaanada qodobadii loo igmaday meel marintooda. DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa mudadu kaga egtahay  bisha August ee sanadkan. Dawlada KMG ah ayaa beesha caaamku u igmatay in ay dalka ka saarto xiliga kala guurka.

garable.com

No comments:

Post a Comment