Madaxweynaa dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay wado qorshihii ugu danbeeyay ee kala guurka ayna sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal la gali doonto Somaliland,
Isagoo ka hadlayay kulankii QM ee xaaladda Soomaalia ayaa Sh Shariif Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay diyaarinayso qorshihii wadahadalka Somaliland.
Waxaa uu tilmaamay in uu gudi usaaray wadahalka Somaliland laakiin ay iska jiraan caqabado taagan lagana gudbi doono sida uu hadalka udhigay.
Madaxweynaha Dowlada Soomaalia ayaa Somaliland ku tilmaamay maamul hoos yimaada dowlada KMG oo ka shaqeeyay amaan xiligii gobolada kale ee dalka ay colaadaha ka jireen
Mar uu ka hadlayay arimaha kale ee xaaladda kala guurka ayaa Sh Shariif waxaa uu sheegay in ay meel wanaagsna marayso ansixinta dastuurka qabyadda ah.
Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay garab istaagto dowlada Soomaalia so looga gudbo marxalada khalafsan gaar ahaan KMG iyo arimaha kale
Shirka ayaa soo dhamaaday iyadoona laga soo saaray Warmurtiyeed ay beesha caalamka ku balan qaadau in ay taageerayso dowladda Soomaalia.
Bayaanka Shirka ayaa waxaa ku xusnaa in dowlada Soomaalia laga taageeri doono hirgelinta dastuurka qabyadda ah, ka bixitaanka KMG iyo in la helo dowlad Xoogan.
Sidoo kale Waxaa laga gacan siin doonaa la dagaalanka Shabaab iyo Burcad badeeda iyadoo la siin doono dhaqaalo ku filan howlaheeda.
garable.com

No comments:
Post a Comment