Dagaalo xoogan ayaa waxay ka soconayaan agagaaraha Madaxtooyada ee Soomaaliya, waxayna dagaaladu ay yihiin kuwo culus oo si weyn looga maqlaayo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan Xaafadda Xararyaale ee Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, isla-markaana dagaalada ayaa waxay u dhaxeeyaan Ciidamadda Nabad Suggida iyo Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya. Dagaalada ka soconaaya Degmada Wardhiigley oo leesku adeegsanaayo hubka cul culus, ayaa waxaa si weyn looga maqlaayaa dacalada Degmada Wardhiigley iyo qeybo kaloo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Xilli dagaalada ay sii soconayaan ilaa 30 daqiiqo ayaan jirin wax ciidamo ah oo soo kala dhex gallay dhinacyada dagaalamaeyso, sidoo kale majiraan wax Saraakiil ah oo Dowladda Somaliya ka tirsan oo dagaalada ka hadlay. Jugta hubka cul culus ayaa waxay baqdin ku beereyn shacabka ku dhaqan Degmada Wardhiigley, waxayna dagaalada ay u muuqdaan kuwo sii xoogeysanaaya haddii aysan waxba ka qaban Dowladda Somaliya. Dagaalka maanta u dhaxeeya Ciidamadda Booliska iyo Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay ka duwan yihiin dagaaladii hore ee dhex mari jiray Ciidamadda Dowladda
garable.com
garable.com
No comments:
Post a Comment