Maraykanka ayaa ugu baaqay wadamada Caalamka in la taageero Soomaaliya si looga saaro dhibaatooyinka ka jira.
Wakiilka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Haweenayda lagu magacaabo Susan Rice oo hadal ka jeedinaysay kullankii golaha ammaanka ee QM ayaa waxa ay ugu baaqday dowladaha deeqda bixiya in dowlada KMG ah laga taageero dhinaca dhaqaalaha si loo kobciyo dadaalada dhibaatooyinka looga saarayo dalka Soomaaliya.
Susan Rice ayaa ugu baaqay dowladahaasi in sidoo kale ay ka faalo qaadaan dhaqaalaha ku baxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku baxayaan qarashaad gaaraya 200-oo milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.
Wakiilka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku dartay in loo baahan yahay in laga faa’ideysto howlgallada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isugu fidiyeen gobolada dalka ee looga itaal roonaaday Xarakada Al Shabaab, islamarkaana lasii dar dar galiyo.
Maraykanka waxa uu ka mid yahay dowladaha taageera Soomaaliya, iyadoo dhawaan war kasoo baxay lagu sheegay in ay kordhinayaan duqeymaha ay la beegsadaan Xarumaha Al Shabaab ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.
garable.com
No comments:
Post a Comment