Banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday dastuurka qabyo qoraalka iyo Odayaasha ku shirsan magaalada Muqdisho ee la doonayo inay soo xulaan dadkii ansixin lahaa dastuurka ayaa shalay ka dhacay magaalada Baargaal ee xarunta dowlad goboleedka Caseyrlan, kaas oo ay ka qeybqaateen kumaan dad ah oo si weyn u diidanaa ansixinta dastuurka. Axmed Maxamed Saalax oo ka mid ah Xildhibaanada dowlad goboleedka Caseyrland oo la soo xiriiray Wargeyskan ayaa sheegay in Wasiiro, Xildhibhaano, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo Dhalinyarada ka soo jeeda dowlad goboleedka Caseyrland ay ka qeybqaateen banaanbaxa looga soo horjeeday dastuurka iyo ansixintiisa, wuxuuna Mr. Axmed intaasi ku daray in maamulkoodu uusan marnaba ogolaan doonin in dalka lagu dhaqo wax aan aheyn diinta Islaamka amaba aysan u dhameyn ummadda Soomaaliyeed, guud ahaanna ay ka soo horjeedaan dastuurka haatan la wado. “Haddii aynu nahay dowlad goboleedka Caseyrland iyo shacabkeeda nama soo galo dastuur ku sheega ay dabada ka riixayaan C/raxmaan Faroole, C/weli Maxamed Cali {Gaas} iyo Mahiga, waxaana beesha caalamka u sheegaynaa in dadka Soomaaliyeed aysan ku meselin {metelin} dastuurka, annaguna aanu raali ka aheyn in dalka lagu dhaqo wax aan aheyn diinta Islaamka” ayuu yiri Axmed Maxamed Saalax oo ka warbixinayey banaanbaxa looga soo horjeeday dastuurka ee ka dhacay magaalada Baargaal ee xarunta maamulka Caseyrland. Sidoo kale waxaa banaanbaxa ka hadlay sida uu Mr. Axmed sheegay Wasiirka gaashaandhigga dowlad-goboleedka Caseyrland Xareed Ciise Cumar oo sheegay in dastuurka cusub uusan u daneynin dalka iyo dadka Soomaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in dastuurkaasi ay dad gaar ah wataan Soomaali oo dhanna aysan ku mideysnayn, isagoo sheegay in dastuurka aysan ku jirin Somaliland, arrinkaasina uu keeni karo in Somaliland ay sii fogaato maadaama aysan waxba ka ogeyn dastuurka cusub ee la leeyahay hala ansixiyo, waxaadna moodaa ayuu yiri wasiirku in laga shaqeynayo oo keliya kala googo’a Soomaaliya iyo sidii loo kala geyn lahaa, balse aan meesha lagu heynin dan umadeed iyo wax la mid ah.
garable.com
No comments:
Post a Comment