Wednesday, 9 May 2012

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi oo sheegay in Ciidamo Boolis oo suga ammaanka la geeyay Suuqa Islii

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameerika oo howlo caafimaad u jooga dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Ciidamo boolis ah oo suga ammaanka la geeyay Suuqa Xaafada islii oo ay ku gacansadaan Soomaali fara badan, kadib markii habeen hore kooxo Burcad ah ay dhac u geysteen Dukaamo ganacsi.

Amb. Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in markii lagu soo wargeliyay dhibaatada loo geystay Ganacsatada ay durba warqad u qoreen Wasaarada Arrimaha gudaha, kana dalbadeen inay si deg deg ah wax ugu qabtaan, isagoo xusay inay weydiisteen in Ciidamo Boolis ah la geeyo suuqa oo ammaanka suga, taasoo Safiirku xusay in shalay galab la geeyay.

"Markii dhibaatadaas dhacday waxaa warqad u dirnay Wasaarada Arrimaha gudaha oo aan u sheegnay dhibaatada Ganacsatada, waa jirtaa in iyaga horay dowladda u weydiisay canshuur, laakiin waxaa lama huraan ah in ammaankooda la sugo, shalayna Ciidamo Boolis ayaa la geeyay"ayuu yiri Amb. Ameerika oo wareysi siinayay Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Safaarad ahaan ay balan qaadayaan in 24-saac walba hadii Soomaalida la soo xiriiraan ay cabashadooda deg deg uga jawaabaan, isagoo balan qaaday in aan marna aanay aqbali doonin in xaqooda la qaato Ganacsatada Soomaalida.

Mar uu ka hadlay howlaha caafimaad ee uu Talyaaniga u joogo ayuu sheegay inuu ka soo bogsaday dhaawicii ka soo gaaray shilkii uu kol hore ku galay Magaalada Nairobi, isagoo tilmaamay inuu hada socon karo, lugtana ay kabantay, waxaana uu intaa raaciyay in labo maalmood gudahood uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Nairobi.

"Aniga hada waa fiicanahay, waa socon karaa, dhaqaatiirta waxay ii sheegeen in lugtii ay kabantay, Alle ayaan u mahadcelinayaa, iyo dhamaan dadkii Soomaaliyed ee dal iyo dibada isoo duceeyay"ayuu yiri.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa had iyo jeer u taagan sidii Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya aan dhibaato uga soo gaari laheyn Laamaha Ammaanka dalkaas, iyadoo lagu xusuusto dadaaladii uu u sameeyay Soomaali badan oo xabsiga ka soo daayay, iyo kuwo kale oo lagu dhibaateeyay dalka, waxaana uu marna ka caajisin sidii Shacabka Soomaaliyed ee dalka Kenya ku sugan wax walba ugu qaban lahaa, taasoo ka qeyb ka ah waajibaadka saaran.

Shalay ayay aheyd markii Soomaali fara badan ay banaan bax ballaaran ka sameeyeen Xaafada Islii, iyagoo ka cabanayay dhac loo geystay goobahooda ganacsi, waxaana arrintan ay keentay inuu joogsado ganacsigii Xaafada Islii oo ay u badan yihiin Soomaaliya.

tifatiraha garable.com 

No comments:

Post a Comment