Howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland Xaafadaha Israac, Garsoor iyo Xaafado kale oo dhamaantooda ka tirsan Woqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay kusoo qab qabteen dad watay hub sharci daro ah oo ay doonayeen inay falal ammaan dari ah ay ka fuliyaan Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
garable.com
Hubka lasoo qab qabtay ayaa waxa ay isugu jiraan AK-47, Bastoolado iyo Bambaanooyin la sheegay in la doonayay in lagu fuliyo falal ammaan dari ah.
Taliyaha qeyb booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Jaamaca Max’ed oo la hadlay Warbaahinta aya waxa uu sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 4-qofood oo watay hub sharci dari ah kuwaasi oo uu tibaaxay inay doonayeen in falal ammaan dari ah ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa sido kale sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen dhalooyin qamri ah iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya kuwaasi oo la doonayay in la geeyo Magalada Garoowe, isagoo xusay in guud ahaan dadkii ay qab qbateen ay Xabsiga u taxaabeen.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gaalkacyo inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago dhibaatooyinka ka dhaca Magaaladaasi.
garable.com
No comments:
Post a Comment