Warsaxafadeed ay sooo saartay Hay’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee marka magaceda lasoo gabiyo loo yaqano UNHCR ayaa sheegtay in dooni ay saarayeen muhajiriin Afrikan oo ay ka mid ahayeen muwadiniin Soomaali ah ay ku degatay Jasiiradda Malta ee dalka Talyaaniga.
Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in doonidaan oo kasoo shiracatay todobad ka hor xeebaha dalka Libiya ayaa waxa ay Hay’addu sheegtay inay saarnaayeen 90-muhaajiriin Afrikan oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin Soomaali ah, hase ahaatee sabtigii lasoo dhafay ay ku dagtay Jaziirada Malta ee dalka Liibiya.
Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR oo lagu magacabo Adrian Edwards oo saxaafadda kula hadlay magalada Geneva ayaa sheegay in doonidan ku dagtay Jaziiradda ay ku dhinteen 5-nin iyo 2-Dumar ah.
Adrian Edwards’s ayaa xusay in muhajiriintaan ay kusii jeedeen dalka Talyaaniga, iyagoo raadsanaya nolol ka badalan middi ay ku noolaayeen, hase ahaatee intii ay ku jireen biyaha u dhexeeya Libiya iyo Talyaaniga ay dhibato soo gartay, iyagoo ugu dambeyn ku guulaystay inay gaaraan dalka Talyaaniga.
Doonidaani ayaa la sheegay inay tahay middii afaraad ee ku degtay Xeebaha dalka Talyaaniga kuwaasi oo ay saarnaayeen dad kala duwan oo Muhaajiiriin ah.
cawil
No comments:
Post a Comment