Axmed Cabdi Xasan oo kamid ah jaaliyada Maamulka Soomaliland ee London oo la hadlay tifariraha garable.com ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir maanta uga furmaya maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in u jeedada shirka uu yahay sidii ay ku heshiin lahaayeen maamulka Soomaaliland iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya isaga oo tilmaamay in wadahadalada ay ku qotomaan in dowlad dhexe ay isugu yimaadaan labada dhinac iyo sidoo kale in dhaqaalaha ay kuwada heshiiyaan.
Wuxuu intaa raaciyay hadalkiisa in fikrada wada hadalkani aysan ka imaan Soomaali balse ay ka timid dowladaha reer galbeedka oo heshiiskan dhax dhigaya maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya.
Axmed Cabdi Xasan waxa uu sidoo kale sheegay in maamulada Soomaliland iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya aysan kala go,i karin dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale xiriirka kaleba ay wanaagsan tahay in wadahadalada guul lagu dhameeyo.
Maamulka Soomaliland ayaa dhowr jeer waxa ay ka dhawaajiyeen in Soomaaliya inteeda kale ay ka go,een islamarkaana ay ka madax banana yihiin
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment