Hay'adda QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 1.35 million oo qof inay ku barakaceyn Soomaaliya, laakiin tiradaas waa mid qiyaas ah waayo tira dhab ah lama hayo.
Isagoo saxaafadda kula hadlayay Nairobi, madaxa QM u qaabilsan qoxootiga Soomaaliya , Bruno Geddo, ayaa waxa uu sheegay in hey'adda UNHCR ay sameyn doonto tirakoob ay ku ogaaneyso dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.
Wuxu yiri dadka barakacaya waa kuwa guur-guuraya oo hadba aadaya meesha ay nolal taalo taaso ay keentay in la waayo tira sax ah, iyo meelo badan oo koonfurta aysan galaan gal u lahayn shaqaalaha hey'adda inay tagaan meelaha ay maamulaan AL-Shabaab.
Geddo ayaa hoosta ka xariiqay in hey'adda ay tagi doonto magaalada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadeyn Al-Shabaab.
Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa tobanaan kun oo qof ay gaareyn halkaas intii ay socdeyn dagaalada Soomaaliya.
UNHCR ayaa sheegtay in dhibaatooyinka ka jira dalalka Soomaaliya, Sudan, Libya iyo kuwa kale oo caalamka ka tirsan ay sababeen barakaca 800 kun oo qof sanadkii la soo dhaafay ee 2011-ka.
Tirada dadkaas barakacay ayaa noqoneysa tii ugu badneyn oo muddo laga joogo 11 sano.
Warbixinta Hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in dadkaas ay isugu jiraan kuwa xudduudaha ka soo gudbay iyo kuwa guryahoodii ka tegay oo aaday goobo kale oo dalkooda ka mid ah.
UNHCR ayaa ku sheegtay tirada guud ahaan ee ka barakacay adduunka sanadkii tegay ee 2011-ka 4.3 milyan oo qof.
Sidoo kale, hay’adda UNHCR waxa ay warbixintu ku sheegtay in waddanka Soomaaliya ay ka barakaceen sanadkii hore 1.1 milyan oo ruux, Sudan 500 kun, Kongo 491 kun, Afghanistan 2.7 milyan iyo Iraq 1.4 milyan oo qof
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment