Shirkada Range Resouces ayaa u muuqato in ay soo afjarayso howlihii maal gashigeedii iyo sahaminta shidaalka ay ka waday deegaamada Puntland.
Peter Landau ayaa sheegaya in Range Resources qorsheyneyso in ay u wareegeyso Trinidad iyo Colombia. Isagana baxdo howsha shidaal sahmin ee ay ka wado Puntland.
Madaxa shirkadda Range Resources, oo la hadlayey ganacsato ka tirsan Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) oo uu kula kulmay Hong Kong ayuu u sheegay in shirkadiisu maal gashigeeda ka wareejineyso Puntland, islamarkaasna xoogeeda isu geyneyso shidaal sahaminta dalalka Trinidad iyo Colombia, sidaas waxaa Arbacadii May 30, 2012 qortay jariidada The Australian.
Mr. Landau waxa uu yiri “Waxaan aragnay in aan qiimayn la siinayn Trinidad sababtoo xoogga ay Range Resources saartay Puntland. Sidaas daraadeed aan ka baxno Puntland (aan meesha ka saarno Puntland), oo markaas maalgashadayaasha Range aan siino saamiyada (free stock), islamarkaasna aan diiwaan gaar ah uga samaynayno suuqa ganacsiga London.”
Jariidadda The Australia waxay sheegtay in shirkadda Range Resources ay saami wadaag xagga sahaminta Shidaalka Puntland kula jirto shirkaddaha kale Horn Petroleum iyo Red Emperor Resources kuwaas oo shidaal qodis ka wada Puntland.
Waxaa durbadiiba shalay (May 30, 2012) hoos u dhacay (-8.33%) samiyadda shirkadda Range Resources ee Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX).
Hadalkan kasoo baxay shirkada ayaa niyad jab ku noqon kara malaayiin Soomaali ah, oo mar un doonayey inay markhaati ka noqdaan Soomalia oo heshay Shidaal looga baxo gaajada, macluusha, iyo colaadaha 22 Somalia soo daashatay waxaan kahelnay warkaan cabdraxin saciid xeele oo uk jooga garable.com muxudin diini fiidow
Peter Landau ayaa sheegaya in Range Resources qorsheyneyso in ay u wareegeyso Trinidad iyo Colombia. Isagana baxdo howsha shidaal sahmin ee ay ka wado Puntland.
Mr. Landau waxa uu yiri “Waxaan aragnay in aan qiimayn la siinayn Trinidad sababtoo xoogga ay Range Resources saartay Puntland. Sidaas daraadeed aan ka baxno Puntland (aan meesha ka saarno Puntland), oo markaas maalgashadayaasha Range aan siino saamiyada (free stock), islamarkaasna aan diiwaan gaar ah uga samaynayno suuqa ganacsiga London.”
- “What we’ve seen is Trinidad doesn’t get valued because all the punters trade Range on Puntland. So let’s take Puntland out, give (Range investors) the free stock, and have a separate AIM-listed stock,” he said.
Jariidadda The Australia waxay sheegtay in shirkadda Range Resources ay saami wadaag xagga sahaminta Shidaalka Puntland kula jirto shirkaddaha kale Horn Petroleum iyo Red Emperor Resources kuwaas oo shidaal qodis ka wada Puntland.
Waxaa durbadiiba shalay (May 30, 2012) hoos u dhacay (-8.33%) samiyadda shirkadda Range Resources ee Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX).
Hadalkan kasoo baxay shirkada ayaa niyad jab ku noqon kara malaayiin Soomaali ah, oo mar un doonayey inay markhaati ka noqdaan Soomalia oo heshay Shidaal looga baxo gaajada, macluusha, iyo colaadaha 22 Somalia soo daashatay waxaan kahelnay warkaan cabdraxin saciid xeele oo uk jooga garable.com muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment