Thursday, 31 May 2012

Deg deg:Dagaal-yahano Gurmad u Ahaa shabaab oo Caawa Lagu duqeeyay Gobolka Jubbada Hoose


Wararka caawa naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalle oo u dhexeeya Afmadow iyo Kismaayo halkaasoo la sheegayo in diyaarado dagaal ay gantaalo ku rideen.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo oo aan rabin la magacaabo ayaa sheegay in ciidan gurmad ah oo Al-Shabaabka soo direen magaalada Kismaayo kuna sii jeeda dhanka Afmadow oo maanta laga qabsaday la duqeeyay. Ciidanka Al-Shabaab ayaa watay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta ka soo dhaqaaqay magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhawaqa qaraxyo waaweyn la maqayey illaa caawa iyadoo ciidamada Shabaabkuna ay hubka lidka diyaaradaha hawada u tuurayeen.
Sida dadka deegaanka ay sheegayaan welima cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta caawa maqribkii ka dhacday deegaanka Janaayo Cabdalle oo qiyaastii illaa 50-km u jira Kismaayo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta geystay ayahaayeen labo diyaaradood oo ciidamada Kenya ay leeyihiin kuwaasoo dhanka deegaanada Xeebta ee gobolka ka imaanayey markii ay gantaalada la dheceen deegaanka Janaay Cabdalle.
Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG Soomaaliya oo ay wehlinayaan maleeshiyaadka Raskambooni ayaa maanta la wareegay degmada Afmadow oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Jubbada Hoose taasoo 180-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment