Thursday, 31 May 2012

Timo-jarayaal iyo Dadka cadayada iibiya oo xabsi laga buuxiyay iyadoo loo haysto qaraxii saakay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaaro gaystay oo saakay ciidamada amaanka lagula eegtay magaaladda Gaalkacyo dhankeeda Waqoyi.

Qaraxaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka.

Inta la ogyahay Afar kamid ah ciidamada amaanka ayaa geeriyootay ilaa shan kalaan dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii Bambo meel loogu aasay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Farxaan Cali Xaad ayaa sheegay in ay ogaadeen qofkii ka danbeeyay qaraxii saakay.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Meydka Nin aasayay waxyaabaha qarxa kaas oo ay toogteen.

‘Ciidamada waxaa ay toogteen Nin Timo jare ahaa oo aasayay miino xaafadda Garsoor’ayuu sheegay Sarkaalkan.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa waxaa ay kusoo qabteen tobaneeyo qof oo isugu jira dadka Timojarayaasha ah iyo kuwa iibiya cadayada gudaha Magaaladda.

Dadkaas ayaa waxaa loo haystaa in ay ku lug leeyihiin qaraxyada magaaladda iyadoo saraakiisha Puntland ay sheegeen in ay baaritaano ku wadaan.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment