Ciidammo wadajir oo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa saakay markii ugu horeysan ka gudbay degmda Luuqa ee gobolka Gedo, iyagoo ku sii jeeda deegaannada gobollada Baay, Bakool iyo Jubbooyinka, si ay u gabagabeeyaan malleeshiyaadka Al-Shabaab. Ciidammada dowladda Soomaaliya oo wehliyeen kuwa AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka soo gudbay xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia, kuwaasi oo ka sii gudbay degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo u kala jiheystay gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Bakool oo ay hadda howlgallo ka socdaan, waxaana saraakiisha ciidammadaasi hoggaamineysa ay sheegaan in ay duullaan ku yihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidammada dowladda oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin guud ahaan deegaannada ay Al-Qaacidda ku sugan yihiin, ciidammadaasina ay ka mid yihiin kuwii soo afjari lahaa howlgallada Al-Qaacidda Soomaaliya looga saarayo, isla markaana ay saacaddaha soo socda qaadi doonaan tallaabo dhinaca howlgallada ah.
Ciidammada ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa wata dabaabaadka dagaalka, waxaana waddooyinka degmada Luuqa ka baxa saakay buux dhaafiyay ciidammadaasii oo dhulka ku lugeynaya iyo kuwa gadiidka dagaal oo ay ku jiraan Taanhiyo wata.
garable,com muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment