Thursday, 31 May 2012

Deg deg:Shabaab oo dagaal looga saaray Afmadow”Ciidamada Huwanta oo Raacdeyste



War deg deg ah oo iminka naga soo gaaraaya degmada Afmadow ayaa soo sheegaaya in dagaalyahanada Al shabaab ay maanta halkaasi isaga baxeen.
Kadib dagaal xooggan oo saaka ka qarxay duleedka degmada Afmadow ayaa waxaa halkaasi goordhowayd gebi ahaanba faarujiyey dagalayahanada Al shabaab.
Dad kamid ah kuwa deegaanka oo aan la xairiirnay ayaa inoo xaqiijiyey ka bixitaanka Al shabaab ee degmada Afmadow, waxayna sheegeen in magaaladu ay u badan tahay mid cidlo ah.
Ciidamada Dawladda KMG ah, kuwa Raasmkaambooni iyo kuwa Kenya oo saaka duleedka degmada Afmadow dagaal xooggan kula galay Al shabaab weli masoo gaarin magaalada, hase yeeshee wararku waxay soo sheegaayaan in ay kaabiga ku hayaan, waxaana laga yaabaa in ay saacadaha soo aadan gudaha u galaan magaalada.
Inta aanay Al shabaab ka bixin degmada Afmadow ayaa waxaa gudaha degmada laga maqlay guuxa diyaaradaha dagaalka Kenya kuwaasi oo cabsi xooggan ku abuuray dagaalyahanada Al shabaab.
Degmada Afmadow inta badan waa cidlo, waxaa sidoo kale isaga barakacay dadkii deganaa oo inta badan duurka galay.
Dagaalyahanadii Al shabaab ee ka baxay degmada Afmadow ayaa u baxay dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Degmada Afmado waa degmadii labaad oo muhiim ah taasi oo ka baxda gacanta Al shabaab marka lagu daro degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose
garable.com muxudin diini fiidow                                

No comments:

Post a Comment