Sida uu daabacay Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa magaalada Hargeysa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay Guddi cusub oo ugu qeybgalaya wadahadalada dhexmaraya dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, kuwaas oo ka kooban shanxubnood, isla markaasna uula socodsiiyey maamulka Somaliland inuu magacaabay xubno cusub.
Guddiga uu sheegay Wargeysku ee uu magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG ee ka qeybgalaya wadahalka ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:-
- Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddida wadahadallada {Chief negotiator}.
- Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda KMG Mr. Axmed Caydiid Ibraahim.
- Wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG
- Xildhibaan Xuseen Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya
- Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Waa markii u horeysay ee Somaliland iyo Soomaaliya isugu yimaadaan wadahadallo noocan oo kale ah, iyadoo kulanka gogol-xaarka ahna ay ku xigi doonaan wadahadallo dhexmara labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo la sheegay in lagu qaban doono dal kale, gaar ahaan dal carbeed
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment