Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa si cad ah ugu sheegay masuuliyiinta Seddexda xisbi Qaran in ay soo afjarantay rajaddii gooni isu-taaga Somaliland su'aasha ina hortaallana ay tahay qariidadii Midnimada Soomaaliyeed oo ay Somaliland ka ciyaari laheyd door muhiim ah iyo dariiq ay u mari laheyd Siddii midnimada Somaliya uga dhex-muuqan laheyd, maaddama uu jiro culeys aad ah oo nagaga Imaanaya beesha caalamka
Sidoo kale xogtan ayaa sheegeysa in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu sheegay in aan Maanta laga hor imaan karin midnimada Soomaaliyeed ee beesha caalamka xooga saareyso Isla-markaana beesha Caalamka ay jeceshahay midnimada Soomaaliyeed
Sidoo kale Axmed Siilaanyo ayaa u sheegay masuuliyiinta seddexda xisbi qaran in dowladda Ingiriiska ay waddo in dib loogu noqdo midnamadii Soomaaliya isla-markaana ah dowladda Ingiriiska mid aan la loodin karin ay bud-dhig u tahay arimaha hadda ka socda ee Soomaaliya Oo ay ka go'antahay dowladda Ingiriiska in ay soo celiso midnimadii Soomaaliya waana ka wada Hadallnay waxaana aan heshiis hoose ku galay in aan si toos ah miiska wada hadalka isku hor-Fadhiisano Shiiq Shariif iyo Dowladdiisa
Sida ugu dhaqsiyaha badan waxa aan dhawaan isku hor-fadhiisan doonnaa Shiiq Shariif inta ka Horeysana waxaa laga qeyb-gali doonaa shirka gogol xaarka ah oo ay wasiiro labada dhinac ah Ay ku kulmi doonaan magaalada London
Afartan masuul ee ku kulmay Aqalka Madax-tooyadda Somaliland ayaa aad u gorfeyeen waxa Ay tahay siddii maanta beesha Caalamka ku dooneyso dariiqii ay u mari lahaayeen Midnimaddii Soomaaliya iyo gooni isu-taageenii Somaliland iyo waxa lagu badalanaayo
Hayeeshee iyaddoo ay siyaasaddani cusub ay tahay mid aad u adag oo aanan shacabka reer Somaliland fileyn ayaa masuuliyiintan looga baahan yahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Tahay in ay u abaaraan siddii ay ugu guuri lahaayeen siyaasaddii muddada dheereed ee Somaliland lagu xukumayay
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment