London, 26-May-2012 - Waxaa dalka Ingriiska ku sii badaneysa tirada gabdhaha yaryar ee aan qaan-gaadhin ee dhowrka mar iska soo ridaya caruurta, waa sida lagu ogaaday daraasad la sameeyey dhawaan oo la soo bandhigay. Sida lagu sheegay Daily Mail, todobadi gabdhood ee iska soo ridaya caruur waxaa ku jirta mid horrey caruur isaga soo riday dhowr jeer, waxaana la ogaaday inay jiraan qaar iska soo riday caruur illaa siddeed jeer. Sanadkan 2012, gabdho ay tiradoodu tahay 38,269 oo ku kala nool England iyo Wales oo isku dayaya inay ilmaha iska soo ridaan ayaa la ogaaday inay 5,300 kamid ah horrey isaga soo rideen caruur. Ingriiska uun kuma koobno mishaakilka iska soo rididda caruurta, arrintan waxaa kale oo ay ka jirtaa dalal badan oo reer galbeed ah, kuwaasoo uu kamid yahay dalka Mareykanka. Inta la ogyahay, Mareykanka waxaa sanad kasta caruur iska soo ridda dumar ka badan 1.21 milyan. Dumarkan iska soo ridaya caruurta ee ku nool Mareykanka ayaan 84.3 boqolkiiba la qabin. Jaaliyaadka Soomaalida ee ku nool dalalkan ayey iyaga naftooda saameysay dhibaatadan, waxeyna dhaqaatiirta ka howlgasha gobollada ay Soomaalida aadka u deggan tahay sheegayaan inay jiraan gabdho, iyo waliba dumar waaweyn oo horrey u soo guursaday, balse aan hadda la qabin, oo caruur iska soo ridaya. |
garable.com |
No comments:
Post a Comment