Sida warku sheegayo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan Golaha nabadda Midowga Afrika ayaa waxay uga wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo dagaalada ay dowladda KMG kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo sidii ay Itoobiya u sii balaarin laheyd taageerada ay siiso dowladda KMG Soomaaliya ee dhanka milleteriga oo ay si weyn uga taageerto.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in arrintan xilliga loogu kordhiyey ciidamada Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya ayaa ka soo dhexbaxday kulankii mudada sedexda maalmood uga socday saxiixayaasha Rad Map-ka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xilliga ay ciidamada Itoobiya joogayaan gudaha Soomaaliya, isla markaasa ay joogi karaan Itoobiya illaa iyo inta ay meesha ka saarayaan Xarakada Al-shabaab, gobolada oo dhanna ay gacanta dowladda KMG ugu soo celinayaan, waxaana heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowlad goob joog ka ahaa xubno ka socday ururka nabadgelyada Midowga Afrika.
Dhinaca kale dalalka IGAD ayaa soo dhaweeyay la wareegisa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo deegaanada loo bakaracay oo ay doraad iyo shalay si rasmi ah ula wareegeen ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sidoo kalena waxay dalalkan soo dhaweeyeen howlgalka ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraann Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen inay Itoobiya ku taageerayaan sidii ay uga adkaan laheyd ciidamada Xarakada Al-shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment