Sida warku sheegayo cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Sierra Leon ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah gobollada koofur galbeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan tuulooyin ku yaala xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto dalka Itoobiya sida Dooloow, Buulo Xaawo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan oo la sheegay inay ciidamadaasi u kala jiheysteen, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waqtiga ugu dameeya ee ay dalka Soomaliya ka howlbilaabi doonaan.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan AMISOM iyo dowladda KMG ayaa sheegay in ciidamada Sierra Leonean iyo kuwa Yugandha ay todobaadkii hore oo dhan ay ka soo degayeen qeybo ka tirsan meelaha ay xuduudaha ka leeyihiin dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolada Gedo, Jubooyinka iyo Hiiraan, waxayna saraakiishaasi intaasi ku dareen in saldhigyadooda hadda ugu weyn ciidamadaasi uu ku yaalo degmooyinka Dooloow iyo Buulo Xaawo oo ay kula suganyihiin ciidamo kale oo dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ka kala socda, kuwaas oo sida saraakiishu sheegeen qorshahoodu yahay inay u sii tilaabsadaan gobolka Jubada dhexe, isla markaasna talis xoogan ka sameystaan magaalada Baardheere.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay jiraan ciidamo kale oo Sierra Leon ah oo ku sugan xuduudaha dalka Itoobiya la wadaago gobolka Hiiraan, kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan diyaar garoow ay ku doonayaan inya gudaha ugu soo galaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada xiga dhanka Bay, waxaana la sheegay in ciidamadan ka socda Sierra Leon lagu xoojin doono ciidamada yar ee ka socda Jabuuti ee hadda ku sugan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada B/weyne ee xarunta gobolkaasi, waxaana la sheegay in ciidamada Sierra Leon ay ay ku qoranyihiin laba aag oo kala duwan.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment