Saturday, 26 May 2012

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi dagaal oo laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Wararka ka kala imaanaya magaalooyinka B/dhabo, Ceelbuur iyo Balcad ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogbadan laga dareemayo magaalooyinkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Itoobiya, kuwa Kenya, iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca  oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah iyana.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan laga dareemayo gobolada Bay iyo Bakool deegaanada ay ka koobanyihiin, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo doonaya inay weerar ku qaadaan fariisimada ay goboladaasi uga suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, halka dhinaca Xarakada Al-shabaabna iayguna laga soo sheegayo in dhaqdhaqaaq kuwaasi la mid ah ay wadaan, ciidamo badan oo gurmad ahna soo gaarsiiyey deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG.
Dhinaca kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kale ayaa iyana waxaa laga soo sheegayaa gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kuwaas oo ay wadaan ciidamada Kenya, kuwa dowladda KMG iyo kuwa Ururka Raaskambooni oo u joiheystay deegaano ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, halkka kuwo Al-shabaab ay iyaguna u soo jiheysteen difaacyada ay ku suganyihiin ciidamada huwanta ah ee iskaashanaya.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna ay wadaan diyaargarow xoogan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan gobolada kale ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen saraakiil u hadashay Ahlu Sunna inay durba la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dhinaca magaalada Muqdisho ayaa iyana waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo sheegay inay u jiheysan doonaan dhinaca degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxayna sheegeen saraakiil u hadashay dowladda KMG iyo kuwa AMISOM sheegeen in ciidamadu ay gaari doonaan illaa magaalada Jowhar, waxayna ugu baaqeen ciidamada Al-shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda KMG wax dhib ahna aan loo geysan doonin, balse haddii gacanta lagu dhigo iyaga oo dagaalamaya ay la kulmi doonaan ciqaab adag sida ay yiraahdeen
garble.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment