Danjire Mahiga ayaa saxaafadda u sheegay in u rajo fiican ka filaayo qodobada lagu heshiiyay shirkaas in ay dhaqan galiyaan saxiixayaasha qorshaha looga gudbaayo xilliga KMG ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in sagaashan maalin ay harsan yihiin taas oo la rabo in hoggaamiyaasha Soomaalida looga baahan yahay inay shaqo badan ay qabtaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in muran uu ka yimaaday qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee hadda ku sugan Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in la isku afgartay in dib ay ugu laabtaan meelaha ay ka yimaadeen.
Sidoo kale Danjire Mahiga waxa ku nuux-nuuxsaday in cunnaqabatayn lagu soo rogi doono dadka caqabadda ku ah dadaallada Siyaasadeed iyo kuwa nabadeed ee xilliga kala guurka ah looga saarayo Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in baaritaan lagu sameyn doono dadkaas, kaddibna lagu soo rogi doono cunnaqabtayn dhanka safarka ah, oo ay ugu horreeyaan dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in la shaacin doono magacyada shakhsiyaadka carqaladda ku ah qorshe-howleedka (Road-map) ee ay waddo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in uu qorshahaas u gudbiyay golaha Ammaanka QM kuwaas oo soo dhaweeyay in tallaabo laga qaado dadka is hortaagaya qorshahadda socda.
Ugu dambeyn waxa uu rajo ka muujiyay in waqtiga loogu talagalay lagu soo gabagabeyn doono xilliga dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku eg bisha August ee Sanadkan
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment