Degmada Taariikhiga ah ee Xaafuun ayaa waxaa ka taagan xaalad qir-iyo qir ah, kadib muran ka dhashay Shirkada SARACEN oo halkaasi tagtay.
Gudoomiyaha degmada Xaafuun ninka lagu magacaabo Booli-wade, Ganacsade Jaabir Muuse Cali Gaban iyo Nabadoon Abshir Dhagcas ayaa shirkadan u gogol xaaraya inay deegaanka tagaan, waxaana arrintan ka hor yimid dadka deegaanka oo qaaday talaabo lamida tii reer Iskushuban ay qaadeen.
Shirkada SARACEN oo u taagan inay tababarto ciidamada xeebaha Puntland, iyo la dagaalanka burcad badeeda ayaa haatan isku bedeshay shirkad macdan baarayaal ah.
Dhaqaale badan ayey shirkada SARACEN ku bixisay sidii ay fariisin uga samaysan lahayd degmada Xaafuun oo ah magaalo cimilo wanaagsan hodana ku ah khayraad kala duwan oo beri iy Bad-ba leh.
Aduun lacageed oo faro badan ayey shirkadan macdanta ku siisay ragan howlgalka xaafuun ka saacidaya, waxaana kacdoon kala horyimid dadweynaha deegaanka oo kaashanaya duqeyda iyo waxgaradka Xaafuun.
Howlaha dhaqaalaha xiriirka iyo isku xirka odayaasha waxaa si weyn ugu mashquulsan la taliyaha dhanka saxaafada ee madaxweyne Faroole iyo waliba Maxamuud Shido oo ka tirsan raga ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweynaha Puntland
Wasiirka Amniga Puntland oo isaguna kamida masuuliyiinta kasoo jeeda Xaafuun ayaa safar ku tagaya Xaafuun si uu wax uga qabto is-fahmi waaga ka taagan degmada.
Maalmihii u dambeeyey waxay shirkada SARACEN isticmaalayeen diyaarado lagu rarayo konteenaro aan la aqoon waxa ku jira, iyagoo dhowr duulimaad ku tagay degmada Xaafuun.
Waxaa sii xoogeysanaya tuhunka laga qabo inay shirkadan Sun ku aasto dhulalka fog-fog, inkastoo aysan ku guuleysan inay ogolaansho ay ku degaan aysan ka helin Eyl iyo Iskushuban.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:
Post a Comment