Haweeney ku nool dalka Britain ayaa cafis soo dhoweyn iyo dhaqaale ugu bedeleysa 4 dhalinyaro ah oo dilay wiilkeedii ay aadka u jecleyd.
Fatemah Golmakani waxay tiri ” Waan isku duubi doonaa, oo ku dhegi doonaa, shumis ayaan ku abaal marin doonaa, anagoo dhamaantayo gacmaha iswada heysana, Waxaana u sheegi inuu dunida joogo qof wali kusii jecel iyagoo dambii-layaal ah.
Dadka hooyadan ay cafiska iyo wanaaga ugu bedeleyso dhiigii wiilkeeda oo ay daadiyeen waxaa kamida Mohammed Hashi oo Soomaali ah oo isagu wax ka geystay dilka wiilka ay dhashay Fatemah.
Hooyadan oo wali sii hadleysa ayaa tiri ” Wiilkeyga dib iiguma soo noqon doonaa oo taasi waan hubaa, ragii dileyna ciriiri ayey galeen, oo hamigoodii iyo mustaqbalkii ay lahaayeen waxaa la la duugay markii la aasayey wiilkeyga ayey tiri.
Waxay intaasi ku dartay hooyadan ” Rajo la,aanta iyo mustaqbalkooda oo mugdi galay dhalinyaradan waxaan kaliya oo ugu bedeli karaa inaan iska cafiyo, mana sugi kari wakhtiga ay Jeelka kasoo bixi doonaan oo igu dheer si aan gacan uga geysto niyad dhiskooda.
Fatemah waxay kaloo saxaafada u sheegtay in dhaqaale iyo barnaamijyo dib loogu soo darayo dambiilayaashan mushtamac ay bilaabeyso, iyadoo wiilkeedii ay jecleyd ugu magac dari doonta ololahan
cawil

No comments:
Post a Comment