Degmada Afgooye waxa ay 30 Km dhinaca Waqooyiga Galbeed kaga beegantahay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,waana mid kamid ah Magaalooyinka ama Degmooyinka ugu waaweyne 7 Degmo ee uu ka koobanyahay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Afgooye waa Magaalo Istiraatiiji ah oo ay maraan Wadooyin badan, waxaana ay xiriirisaa magaalada Muqdisho iyo Gobalada kala ah Jubooyinka, Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool oo ah dhamaantoodba Gobolo gacan ku heyntooda uu hadda loolan Militeri ka jiro oo Qofkii maamulaana ay u fududeyneyso in meelo badan ay gacantiisa soo gasho
Sidoo kale Degmada Afgooye waxa ay Xudun u tahay Gobalka Shabeelaha Hoose oo kamid ah Gobalada ugu Kheyraadka badan marka laga hadlayo dhinaca wax soo saarka Beeraha dalka Soomaaliya,waxaana dhexmara Webiga Shabelle.
Taariikha ahaan.
Degmada Afgooye waxa ay kamid ahayd Magaalooyinkii qeybta ka ahaa Dhulkii uu gumeystay Taliyaaniga ee la oran jiray Somali Italiano 1908, Qarnigii 19-aad.
Afgooye waxa ay ahayd 1980, magaalo ay maalgashi ku samayn jireen Wadamada Khaliijka,maadaama magaalada ay caan ku ahayd wax soo saarka Dalaga Muuska.
1980-kii, Bishi Ramadaan, Afgooye waxaa booqday Boqorkii ka talin jiray dalka Kuwait, si dalkiisa maalgashi ugu sameeyo magaaladaasi.
Maamulo kala duwan ayaa soo maray Afgooye tan iyo Burburkii dalka soo maray,waxaana ugu danbeeyay Kooxda Al shabab oo in ka badan 3-sano soo maamulaysay, balse Maalin kahor laga saaray.
Ka bixitaankii Shalay ay Kooxda Al shabaab ee Degmada Afgooye waxa ay ka dhigan tahay Culeys kale oo soo wajahay Al shabaab-Qaacidda maadaama ay adkaaneyso in Ciidamada iyo Maamulada Al shabaab ee ku kala sugan Gobalada Dhexe iyo Gobalada Koonfureed in ay si sahal ah u wada shaqeeyaan
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment