Monday, 25 June 2012

Saraakiil iyo ciidamo Mareyanka oo si qarsoodi ah uga soo degay gaeroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, baarayana

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo boqolaal gaaraya iyo 18-sarkaal oo la socotay una dhashay dalka Mareykanka ayaa si qarsoodi ah uga soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay Muqdisho u yimaadeen inay ka fulliyaan howllo gaar lagu sheegay.
Sida u baahiyey Taleefishinka dalka Iiraan ee Press illaa  390-askari oo Mareykan ah ay ku jiraan 18-Sargaal ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo la geeyay xero qarsoodi ah oo ku taala agagaarka Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan xeradii hore ee Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ee ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada AMISOM ee gacanta siinaya dowladda KMG.
Sida tv-gu sheegay ciidamadan ayaa la sheegay inay tababar gaar ah siin doonaan ciidamo Soomaali ah oo qabanaya howlaha sirdoonnimada, sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiisha Mareykanka ah ee tiradooda lagu sheegay 18-ka ay kulamo la qaadann doonaan saraakiishii ka soo goosatay Xarakada Al-shabaab ee ku biirtay dowladda KMG, kuwaas oo ay su’aalo dhowr ah ay weydiin doonaan, waxaana la sheegay in su’aalahaasi badankood ay ku sabaabsanyihiin sida ay u howlgalaan Xarakada Al-shabaab.
Sarkaal u hadlay dowladda KMG oo wareysi siiyey TV-ga Press ayaa sheegay inay saxtahay ciidamada Mareykanka iyo saraakiisha la socota ee soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna sarkaalku intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaateen saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wadahadleen dhinacyada iyo saraakiisha Mareykanka ah ee uu sheegay inay Muqdisho soo gaareen.
Ma jirto wax war ah oo arrintan ku saabsan dowladda Mareykanka iyo dowladda KMG iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada AMISOM oo warkan rumeynaya amaba beeninaya, inkastoo ay dowladda Mareykanka lug ku leedahay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaasna ay taageero meleteri ay siido dowladda KMG iyo maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, duqeymo dhinaca cirka ahna ka geysata gobolada dalka Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment