Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta sheegay in ay 4 KM oo keliya u jiraan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Paddy Akunda oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku dhowaadeen degmada Afgooye, isla markaana ay guulo ka gaareen howlgalka ay maalintii labaad ka wadaan inta dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Paddy Akunda ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, lana gubay 2 gaari oo ah nuuca ay Soomaalidu u taqaano tiknikada, sidoo kalena ay qabsadeen baabuur uu watay horjoogaha ay dileen.
Afhayeenka ayaa sheegay in qorshaha ciidankooda ee ku aaddan degmada Afgooye iyo deegaannada lagu barakacay uu yahay xaqiijinta ammaanka, wuxuuna maleeshiyada Al-Shabaab u soo jeediyay in ay isa soo dhiibaan inta ay goori goor tahay.
Paddy Akunda ayaa tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka gaarayaan degmada Afgooye oo uu hadafkoodu yahay
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:
Post a Comment