Shir uu Wakiilka Xukuumadda Somaliland u fadhiya magaalada Washington ugu iclaamiyey dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan waqooyiga Amerika oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Washington Dc ee xarunta dalka maraykanka ayaa fashilmay ka dib markii dadkii lagu martiqaaday ee la filaayey inay shirka ka soo qayb gallaan ay shirka iman waayeen
Iyadoo hoolkii loo diyaariyey inuu shirkaasi ka dhacana ay keliya yimaadeen dhawr qof oo u badnaa siyaasiyiin ka yimid Hargeysa iyo dhawr qof oo kale oo fara-ku tiris ah oo ka yimid gudaha dalka maraykanka.
Wakiilka Somaliland ee magaalada Washington Rashiid Gaaruf iyo xubno dhawr qof ka koobna oo u ololaynayey shirkani muddo sannad ku dhaw ayaa la sheegaya sababaha uu u fashilmay inay ugu weyntahay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka gaar ahaana Washington DC oo aan habayaraatee wada-shaqayn la lahayn Wakiilka Rashiid Gaaruf iyagoo ku sababeeyey inaanu ahayn qof daacad ka ah hawlaha Somaliland isla markaana ka horumariya danno shakhsiyadeed.
Xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Washington oo Halbeegnews kula xidhiidhay khadka telefoonka ayaa sheegay in wakiilku uu doonaayey in shirkani loo qabto qaabkii Ururkii SOPRI ee ilaahay ha u naxariistee Mujaahid Siciid Maygaag Samatar uu u qaban jiray shirarkii ay kumanaanka jaaliyadaha waqooyiga Amerika ka soo qayb geli jireen, balse ayey yidhaahdeen xubnahaasi uu Wakiilku ku fashilmay in iska dhaaf shir uu qabto eh uu tahli kari waayey inuu ka shaqeeyo arrimahii aas aasiga ahaa sida isku xidhka Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Washington oo keliya.
Arrimaha fashiliyey shirkani ayaa waxaa ugu weyna ka dib markii uu Wakiilka Siilaanyo ee magaalada Washington Rashiid Gaaruf uu ka hor istaagay Jaaliyadda Somaliland ee dalka maraykanku inay banaanbax ka hor sameeyaan xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka taasi oo niyad jabiysay, arrinta labaad ee shirkani fashilisay ayaa ka mid ah iyadoo lacag aad u badan lagu xidhay ka soo qayb galkeeda taasi oo uu doonaayey in Wakiilku uu jeebadda danbe ku shubto, iyadoo jaaliyadaha Somaliland ee waqooyiga Amerika ku gacan saydhay.
Dhinaca kalana Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika Ambassador Johnnie Carson ayaa diiday inuu kulan fool ka fool ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu wehelinayo wakiilkiisa Rashiid Gaaruf, isagoo Mr. Carson taasi bedelkeedana sheegay in haddii ay doonayaan inay ka hadlaan arrimo ay u gudbiyaan xoghayntiisa gaarka ah, sida qof xogogaal ahi Halbeegnews u sheegay qoraal codsi kulan ah oo Wasiirka iyo Wakiilkiisu u gudbiyeen Mr.Carson ayuu Mr. Carson kaga soo jawaabay inay qoraal ahaan ku soo gudbiyaan, isagoo ka raali geliyey inaanu wakhti u haynin isagoo ku mashquulsan arrimo kale, arrintani ayaa tusaale u ah fashilka ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo hore ay kaaliyahii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka Jendey Fraizer ay Hargeysa cagaheeda ku timid, wakhtigaasi oo xidhiidhka Somaliland iyo Washington uu cirka gaadhay
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment