Kaalintan shidaalka ayaa maanta waxaa dhagax dhigay wasiirka macdanta patroolka tamarta xukuumadda KMG Soomaaliya.
Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Degmada waaberi Axmed Mayre Makaraan kaasi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay markii ugu horaysay in Degmada Waaberi laga hergilyo kaalin shidaal tan iyo markii dowladii dhexe ee dalka ay ka baxday meesha.
Wuxuu sheegay in uu aad ugu mahad celinayo shirkadda Maxfuud iyo wasaaradda Macdanta iyo biyaha oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen in Degmada Waaberi laga furo kaalinta shidaalka.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka Macdanta Biyaha iyo Patroolka xukuumadda KMG Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Dhicisoow kaasi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in 20-sano kaddib Muqdisho laga furo kaalin shidaal islamarkaana sida uu sheegay ay nasiib u yeelatay Degmada waaberi gudaheeda in laga furo
Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirka macdanta Biyaha iyo Patroolka xukuumadda KMG Soomaaliya in uu digniin u jeedinayo shirkaddo uu sheegay in ay xiriir lasoo sameeyeen wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Batroolka oo uu tilmaamay in ay lasoo xireereen wasaaradda islamarkaan ay heshiis la galeen isaga oo sheegay in muddo 30- cisho ah ay fursad u heestaan isdiwaan gelinta.
Waa markii ugu horeeysay oo magaalada Muqdisho tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka laga hergilayo kaalin shidaal
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment