Wakiilka Qarmada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Somaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in ay siwayn ula dhacsanyihiin sida ay haatan wax u socdaan waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in Muddo dheer ka dib Somaliya uu isbedel Nabadeed ka hana qaadi karo.
Dr. Augustine Mahiga ayaa intaasi raaciyay in Qaramada Midoobay ay sii laba laabayso dadaalada iyo taagerada ay siinayso Dawlada Iyo shacabka Soomaaliyeed,iyana looga baahanyahay in taasi ay ka faa’idaystaan.
Mahiga ayaa sheegay in shirka Arimaha Somaliya looga hadlaayo ee ka soconaya Adis Ababa uu u socdo qaab wanaagsan madaxda somalida ee ka qayb galaysana ay xil kasnimo muujinayaan.
“Masuuliyiinta Soomaalida waxa aan ku amaanayaa sida ay dalka ugu horseedeen Hormar uusan gaarin mudadii 20-ka sanno ee la soo dhaafay, sidoo kale Soomaaliya waxaan ka rajeynayaa in uu ka dhaco isbedelkii ay wada sugayeen shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo dowldnimada u baahan”ayuu shaaciyay Mahiga.
Augustine Mahiga ayaa intaasi raaciyay in Caalamka oo idil uu siwayn indhaha ugu hayo arimaha Somlaiya islamarkaana ay la dhacsanyihiin Hormarka dhanka Nabada ee la sameeyay.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment