Wednesday, 23 May 2012

QARAX MIINO OO CIIDAMADA ITOBIYAAN AH LAGULA BEEGSADAY MAGAALADA CEEL BUUR OO KHASAARO KA DHASHAYO

Maanta waxaa gudaha magaalada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud qarax aad u xoogan lagula beegsadey ciidamo itoobiyaan oo saarnaa gaari nooca uuraalka soomaalidu u taqaano,waxaana qaraxaasi sababay qasaare ciidamada itoobiya soo gaarey. Qaraxan ayaa la xaqiijiyey inuu ahaa nooca dhulka la geliyo isla markaasna meelaha fog fog laga hago,waxaana qaraxaasi lala beegsaday gaari ciidamada itoobiya lahayeen oo sida la sheegey biyo u soo doonay ciidamo kale oo ku sugan duleedka magaalada. Goob jooge ku sugan gudaha magaalada Ceel-buur ayaa warbaahinta Kismaayo24 u xaqiijiyey in qaraxaasi ahaa mid aad u culus isla markaasna lala beegsadey gaari Uraal ah,waxaana la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen askar ciidamo itoobiyaan ahi. 3 askari oo ka tirsan ciidamada itoobiya ayaa la sheegey in waxyeelo ka soo gaartey,waxaana markii qaraxa lala beegsaday sidoo kale ciidamada itoobiya bilaabeen inay rasaas furaan taasi oo dhaawac ka soo gaarey 2 ruux oo shacab ah. Gebagabadii waxaa halkaasi hawlgallo baaritaano ah ka wada Ciidamada Itoobiya oo gacan buuxa ka helaya kuwa Ahlusuna waljameeca,waxaana la sheegayaa inay dhawr ruux u soo qabqabteen qaraxaasi walow aan cadayn rasmi ah lagu hayn dadkaasi
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment