Wednesday, 30 May 2012

MADAXWEYNE SHARIIF OO DIGNIIN CULUS U DIRAY CIIDAMADA DOWLADDA EE DHACA U GEESTA SHACABKA



Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-Shabab ilaa ay ka saarayaan Soomaaliya meelaha ay ka joogaan.
Wuxuu tilmaamay in dowladda ay adkeeyn doonto maamulada ka jira dalka si Shabaab looga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaday shirka ka dhacaya dalka Turkiga oo ay ka qeeyb galayaan dhamaan Madaxda Soomaalida wuxuu sheegay in Galmudug iyo Puntland ay meesha ka saaraan dareenka ay ka qabaan shirka islamarkaana ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu xaliyo arrimahaasi.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in askari kasta oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed lagu Maxkamadeeyn doono goobta uu falkaasi dhibaatada ah ka geystay isaga oo sheegay in loo Maxkamadeeynayo qaab cadaalad ay ku dheehan tahay.

wuxuu sheegay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed in askarta looga baahan yahay inay sugaan ammaanka dada shacabka ah balse aan loo baahnayn inay dhac u geestaan Shacabka Soomaaliyeed

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Shacabka ay kusoo wargeliyaan hay,adaha ammaanka askarigii dhibaato u geesta si looga qaado talaabo adag oo ku qutunta midii uu geestay

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xilliga soo socda ay rajaynayaan inay ku guuleestaan in guud ahaan Ururka Al-shabaab ay ka saaraan dalka Soomaaliya islamarkaana dalka ay ka dhalato nabad buuxda.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkan waxa uu ka jeediyay xilli maalintii shalay uu booqday Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment