Wednesday, 30 May 2012

POOLISKA DENMARK OO SHEEGAY INAY SOO BADANAYAAN SOOMAALIDA XIRIIRKA LA LEH AL-SHABAAB EE KU NOOL DALKAASI



Kaddib markii shaley maxkamad la soo taagay labo wiil oo walaalo ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xiriir la lee yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa hey'adda ammaanka iyo kuwa sirdoonka dalkaasi waxa ay sheegayaan inay soo badananayaan dhallinta ku dhaqan dalkaas ee xiriir dhow la leh Al-Shabaab.
Madaxa hey'adda sirdoonka Denmark Jakob Scharf ayaa sheegay inta u dhaxeysay 25 ilaa 40 dhallinyaro oo ku soo tababartay Soomaaliya ama xiriir la leh Al-Shabaab inay joogaan dalka Denmark.

Wuxuu sheegay labo ka mid ah dhallinyaradaasi inay ku dhinteyn is-qarxin ka dhacay Muqdisho.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa ilaa hadda aan la shaacin magacyadooda, waxaana dalka Denmark ay ku noolaayeen 16-sano , waxaana ay heestaan dhalashada dalka Denmark.

Mid ka mid ah wiilasha oo da'diisu ay tahay 23- ayaa waxa la sheegay inuu ku soo tababartay xero ciidan oo Al-Shabaab ay leeyihiin oo ku taala Soomaaliya laga soo bilaabo 18-kii Febraayo ilaa 21, sida uu sheegay dacwad qaadaha Lone Damgaard waana qofkii ugu horeeyay ee dalka Denmark loogu maxkamadeeyo falal la xiriira arrimahan.

Waxa jira dhallin yaro badan oo ku biirtay Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan ajaaniib heesta khibrad kuwaas oo ka soo kala jeeda Ciraq, Afghanistan iyo Pakistan. waxaana ay ku biireyn Al-Qaeda horaantii sanadkan.

Mareykanka iyo Yurub waxa ay hadda ka cabsi qabaan dhallinyaro Soomaali soo galooti ah oo ay ka qorteyn Al-Shabaab gobalka Minnesota iyo qeybo ka mid ah dalka Britain, oo ku soo tababartay Soomaaliya inay ku soo laabtaan dalalkaasi si ay qaraxyo uga geestaan

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment