Wednesday, 30 May 2012

Madaxweyne Obama oo Saxiixay in la duqeeyo Wadamo ay ku jirto Somalia.


Madaxweynaha dowladda Maraykanka ayaa saxiixay qorshe lagu duqeynayo dalalka ay ku sugan yihiin Al qaacidda oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Madaxweynaha wadanka Maraykanka oo ka qeyb galay shirk u saabsanaa arrimaha amaanka oo ka dhacay xarunta waaxda arrimaha dibbadda dalka Maraykanka ee The Pentgon,ka ayaa waxaa uu saxiixay qorshe lagu bartilmaamaysanayo hogaanka Al-Qacida ee ku sugan wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha duuliye la’aanta ah.
Sida lagu qoray website laga leeyahay Pentagon, ka Maraykanka Madaxweyne Obama ayaa saxiixay in la kordhiyo weerarada laga geysto wadamada Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan si ay loo eegto hogaanka Al-Qacida ee wadamadaasi ku nool.

Madaxweyne Obama waxaa uu sheegay in guulo waa weyn laga gaaray duqeymo laga geystay dhawr wadan haddana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.
La taliyaan dhanka amaanka ah oo uu leeyahay Madexweynaha Maraykanka ayaa u sheegay wargeyska New York Times in go’aankaan uu yahay mid la aaminsan yahay inuu dhabar jab ku noqonayo hogaamiyaasha Al-Qacida ee ku nool wadamo ay Soomaaliya ka mi tahay.
“Waxaa aad loo xoojin doonaa howlgalada laga sameyn doono Soomaaliya iyo Yemen waayo waa meelo ay hadda Al-Qacida xidido ku leedahay” waxaa sidaasi yiri Thomas Doni-lon, oo ka mid ah la taliyaasha Obama ee dhinaca amniga.
Maraykanka ayaa dhawr jeer duqeymo ka geystay dhawr wadan oo Soomaaliya ka mid tahay kuwaasi oo lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al qaacidda iyo Al Shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment