Wednesday, 30 May 2012

KENYA OO SHEEGTAY QARAXII KA DHACAY NAIROBI IN AY FULIYEEN LABO DUMAR

 

Pooliska Kenya ayaa sheegay in qaraxii maalin ka hor ka dhacay caasimada Kenya ee Nairobi oo ay ku dhaawacmeyn 33-qof ay fuliyeen labo dumar ah kuwaas oo u kala dhashay wadamada Turkiga iyo Germalka.
Afhayeen u hadlay Pooliska Kenya ayaa sheegay in labadaas dumarka ay kaga soo galeyn dalka Kenya dhinaca Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa soo baxayay oo ku saabsan qaraxa ka dhacay Nairobi, iyadoo markii hore la sheegay inuu qaraxa ka dhashay koronto cilladowday, laakin Ra'iisal wasaaraha Kenya wuxuu sheegay in uu falkaas ahaa mid argagixiso ah.

Qaraxii ayaa waxa uu ka dhacay Nairobi isniintii gaar ahaan wadada Moi Avenue oo ah mid mashquul ah.

War uu soo saaray Talaadadii shaley Afhayeenka Pooliska Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay qaraxa in uu ahaa mid casri ah, kuwaas oo ay wateyn dad ka soo galay Kenya soohdinta Magaalada Gaarisa.

Kenya ayaa ciidamo u soo dirtay Soomaaliya Bishii October sanadkii hore, markaas wixii ka dambeeyana waxa Kenya ay wajaheysay qaraxyo iyo dilal ay geesanayaan kooxo aan heybtooda lagaraneynin, balse Kenya ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Horaantii sanadkan, Midowga Africa waxa ay sheegeyn in la taageeri doono dowladda KMG ah, iyagoona ciidamada AMISOM oo ahaa markii hore 12,000 oo askari hadda lagaarsiiyay 18,000 waxaana ku jira ciidamada Kenya oo hadda ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment