Xarakada Al Shabaab ayaa waxay goor dhaw ay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ay ku soo bandhigtay boqolaal dagaal-yahano ah, oo intoodu badan u dhashay dalalka Qaaradda Afrika ku yaalla.
Dagaal-yahanada ay Xarkaada Al Shabaab ku soo bandhigtay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa qeyb ka ah dagaal-yahano Soomaali ah, kuwaa oo galabta si weyn loogu arkaayo gees ka gees Magaalada Kismaayo.
Waxay ku hubeysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka, waxayna xiran yihiin hal dareys oo isu mid ah, isla-markaana waxay gawaari ay ku soo marayaan wadooyinka iyo xaafadaha ku yaalla Magaalada Kismaayo, iyadoo mar uun ay galabta ku soo baraarugeyn reer Kismaayo.
Gawaarida ay saaran yihiin dagaal-yahanadaan ayaa waxaa ku xiran hubka cul culus sida, qoriga weyn ee loo-yaqaano Zuuga, Jiibta iyo Taranta Sataha, oo ay Soomaalidu u taqaano lidka diyuuradaha.
Dagaal-yahanada Ajaaniibta ah ee Xarakada Al Shabaab oo lagu yaqaano inay indhaha soo duubtaan, ayaan galabta soo duuban, waxayna si caadi ah ay ugu gaaf-wareegayaan Magaalada Kismaayo, iyadoo dadkuna ay caadi ah u daawanayaan.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay galabta indhaha la-raacayaan dagaal-yahanada sida weyn leh u hubeysan, ee ay maanta Xarakada Al Shabaab ku soo bandhigeyso Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.
Amuurtaan ayaa waxay shacabka reer Kismaayo ay ugu magac-dareyn dhawlo tus milatari, oo aanu horey loo-sii shaacin, iyadoo Xarakada Al Shabaab jawaab uga dhigeyso duqeymaha cul culus ee lagu garaacaayo Magaalada Kismaayo.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka tirsan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa saakay Idaacada Andulus ee Magaalada Kismaayo ka sheegay inay diyaariyeen ciidamo xoogan, oo ilaalinaaya xeebta iyo dekadda ee Magaalada Kismaayo, isagoo sidoo kale sheegay inay la-dagaalami doonaan maraakiibta shisheeye ee duqeymaha ku haaya Magaalada Kismaayo
garable.com
muxudin diini fiidow
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment